Soomaali
Shahaadada Gobolka ee Seals of Biliteracy waa shahaado aqoonsi oo rasmiga ah oo uu qaadan karo ardayda dhamaysay iskuulka sare, kuwaas soo muujiyey xirfad aqooneed oo heersare ah ugu yaraan hal luuqad oo aan ahayn English.
Helitaanka shaahadada Seal waxay tusin doonta aqoonsiga xirfadaada luqadeed iyo is dhexgalkaaga dhaqameed. Barnaamijkan abaal-marinta ahi waxa uu ardayda ka caawinayaa in ay kor u qadaan fursadaha shaqo iyo codsiyadooda jamacadaha. Qaar ka mida Goballada, ardayda hesha abaalmirinta shahadadani waxay dhibcahooda u isticmaali karaan jamacada.
Barnaamijkii ugu horreyey ee Seal of Biliteracy waxa laga bilabay California sanadkii 2011-ka, intaa wixii ka danbeeyeyna barnaamijkani si degdeg ah ayuu u gaadhay dhamaan gobolada wadanka oo dhan. Gobal kasta waad ka heli kartaa barnaamijka Seal of Biliteracy.
Siyaasadaha iyo xeerarka ku saabsan barnaamijkan waa ay ku kala duwan yihiin goboladu. Mareegtan(website) waxaad ka heli kartaa maclumaad muhiim u ah ardayda, waalidka, macalimiinta, iyo shaqaalaha waxbarashada si ay xog uga helaan barnaamijyada gobalada wadanka oo dhan. Ujeedada barnaamijku waa in la faafiyo wacyiga ku saabsan jiritaanka barnaamijkan iyo la kordhiyo u sinaanta helida barnaamijkan gobalada wadan oo dhan.
Mareegtan(website-kan) waxa uu tageero deeg-dhaqaale ka helaa xarunta luuqadaha ee Title VI Language Resource Center, taasi oo loo siiyey Xarunta Cilmi Baadhista Heerka Sare ee Barashada Luuqadaha (CARLA) ee jaamacada Minnesota iyada oo wada shaqayna la leh Wasarada waxbarshada ee Minnesota.