Hoos waxa ah tusaalooyin sida imtaxaanka ah oo logu talogalay imtaaxanada hadalka, qoritaanka iyo akhriska ee heerarka dhexe iyo sare.
Addigoo dhiganaya fasalka barashadda sidda wax loo sawiro kaas oo baxaya waqtiga xaggaaga looguna tallo gallay dhalinyarta, ayaa arday agtaada fadhiyaa bilaabay inuu kula sheekaysto.
"Iska waran, waxaan ahay Sonia waxaanan ku jiraa fasalka 11aad ee Riverview High School oo ah dugsi yar oo ay dhigtaan ilaa 500 oo arday. Marka xiisaddaha dugsigu dhamaadaan, waxaanu qabanaa hawlo aan ahayn sawiraad. Adigu iiga waran dugsigaaga? Intee buu leegyahay, arday noocee ah ayaa se dhigata? Howlo noocee ah ayaa la sameeyaa? Ma iiga warami kartaa goobta uu kuyaallo? Runtii waxaan rabbaa in aan dugsigiina ka hello macluumaad dhamaystiran.
Dugsiyada Maraykanka, ardaydu waxay qabtaan hawlo iyo mashruucyo badan. Aniga iyo laba arday oo kale ayaa hadda wadda dhammeeyey mashruuc kusaabsan taariikhda oo aad u adkaa. Wax iiga sheeg adigu shaqo mashruuc ah oo aad ka samaysay maadooyinkaad dhigato. Isku day inaad ku darto macluumaad ku saabsan fasalka iyo maadada uu ku saabsanyahay mashruucani, wixii caqabaddo ahaa eed la kulantay, wixii kugu adkaaday, siday macalimiintaadu kuu caawiyeen, iyo waxaad ka baratay samaynta mashruucan.
Markaad bilowdo dugsi cusub, waa fursad aad ku samaysan karto saaxiibo cusub. Su'aalo noocee ah ayaad weydiin lahayd si aad qof u barato ugana ogaato wax badan? Qor ugu yaraan 3 ama 4 su'aalood oo aad qofkaa weydiin lahayd. (Waxaad wax ka waydiin kartaa qoyskooda, waxay jecel yihiin inay sameeyaan, maadooyinka/fasalada ay jecel yihiin, waxyaalaha ay sameeyaan kadib marka waqtiga dugsigu/xiisaduhu dhamaado, ama wax kasta oo kale oo aad rabto inaad ogaato.)
Maxaad u malaynaysaa in uu sameeyo saaxiibka wanaagsani?
Maxaa muhiim u ah saaxiibtinimada? Ka sheekee wakhti aad saaxiib fiican u ahayd qof, ama qof kuu ahaa adiga saaxiib fiican. Si faahfaahsan u sharax saaxiibtinimadaas, wixii dhacay, waxa aad samaysay si aad u noqoto saaxiib wanaagsan, ama sida saaxiibkaagii wanaagsanaa uu waxtar kuugu lahaa.
Waxaad ka akhriday maqaalkan soo socda jaraa’idka la dhaho “weekly neighborhood paper”.
Abaalmarinta Shaqada Adag
Waa bishii Julaay dugsiyaduna waxay ku jirraan fasaxii xaggaaga, laakiin waxay u muuqataa in ardayda fasaladda saddexaad iyo afarraad ee dhigata iskuulka hoose ee “Kofi Annan” ay iska iloobeenba fasaxii waqtiga xaggaaga. Ardayda iyo macalimiintooduba waxay hayeen shaqo adag. Ardaydu waxay dhamaystirayeen mashruuc saynis ah oo ay soo bilaabeen waqtigii gu’ga (spring) iyakooisticmaalaya majarafaddo, buugaagta xusuus-qorka, qalimaan iyo karaatoon. Fasal kastaa wuxuu beeray karooto/Karar, galley, iyo digir/cambuulo iyo dhawr geed oo tamaandho/yaanyo ah.
Khudaartii ay beereen xilliga gu'ga iyo xagaaga ayaa hadda diyaar u ah in la soo guro. Ardaydu waxay qoreen cabirka iyo tiradda khudaarta u baxday, kadibna way maydheen oo waxay ku kala xareeyeen sanduuqyo. Khudaartan ayaa loogu talla gallay in xaafaddaha lagu isticmaalo balse ardaydu waxay rabbeen inay marka hore dhadhamiyaan. Macallimiintu waxay ku mashquulsanaayeen inay si yar yar ugu googooyaan kaarootaha ardayda doonaysa waxbadan.
Codka/sawaxanka ka soo baxaya beerta dugsiga ayaa muujinayay in mashruucan saynisku mar kale dhici doono sanadka soo socda. Ardaydu waxay wax ka baran karreen sidda wax loo beerro, sidda dadka kale cunto loola wadaago, iyo in ay ku raaxaystaan cunidda khudaartey beerteen.
Maqaalkan waxaad ka heshay online-ka.
Magaca Maqaalku waa “Halyeyga Qarsoon” waxaana qoray M. Yang oo ah wariye ka hawl galla jariiradda “Mountain Press”
Dadka intooda badan waxay maqleen sheekooyin ku saabsan geesiyaal bulshadda dhexdeeda ka caan ah sida dab-damiyayaasha damiya dababka waawayn, kuwa ilaaliya dadka kana badbaadiya dhimasha ama ka hortagga dhaawacyo khatar ah oo soo gaadhi lahaa. Dhammaan dadka magaalooyinka ku nooli waxay nasiib u yeesheen inay leeyihiin geesiyaashan waxaana la gudboon inay sharfaan.
Xaafaddo ayaa sidoo kale leh geesiyaal badan oo qarsoon sidda “Ari Sims” oo ka mid ah dadka xaafadda degan. Ari wuxuu illaalin jirray nadaafadda jidadka iyo beerta la dhaho Logan. Wuxuu ku beerri jirray ubax koonayaasha waxaanu si degan uga shaqayn jirray nadaafadda iyo nabad ahaanshaha garoomadda carruurtu ku cayaaraan. Subax kasta markuu lugaynayo, waxaa la arki jiray isagoo qaadaya wixii qashin uu arko kuna ridaya qashin-qubka. Dad badan ayaa u fikiri jiray in qashin-ururin lagu noqon karrin geesi/halyey laakin beerta Logan sanaddo badan may lahayn weel qashin-qub. Waxaa ooli jirray weel qashin-qub oo aad u yar kaasoo qoysaska iyo dadka kalee beerta dalxiiska u imanaya qashinkoodu si dhakhso ah u buuxin jirreen. Tani waxay sababi jirtay in dadku qashinka dhigi jirreen dhirta hoosteeda ama meelahaas iskaga tuuri jirreen xagga qaarna ay guryahooda u qaadan jirreen. Horaantii xaggaagan mar uu bac wayn ka buuxiyay qashinka, Ari wuxuu ka codsadday madaxda magaalladu inay keenaan weelal badan oo loo isticmaalo qashib-qub.
Diiwaanka magaalada waxaa ku qoran in beerta ay yaalaan toban weel oo qashin-qub cusub ah laakiin waxaa la ogaaday in uu qallad dhacay oo qashin-qubyaddaas waligood la keenin. Waxaa la yaab ku noqotay dadkii beerta soo booqanjiray inay arkeen in toddobaadkii xigayba la dhigay weelal qashin-qub ah, caruurtii yaryaraydna ay u baratamayaan si ay ugu riddaan qashinka iyo waxyaalaha kale ee dib-u-warshadaynta lagu sameeyo weelal akhtar ah oo dhalaalaya.
Markii warka fiidkii lagu soo bandhigay sheekadan qashin-qubka, Ari muu dooneyn inuu ka soo muuqdo TV-ga laakiin wuxuu ogolaaday inuu iiga waramo sheekadan. Waxaan ogaadday in usbuucii hore xaafadduhu bilaabeen dadaal ay ku bedelayaan qalabkii yaalay garoonka caruurtu ku ciyaarto iyakoo keenaya qalab cusub oo la isku halayn karro iyo alaab aad u xiiso badan. Waxay la kaashaddeen ganacsatada magaalada iyo kuwa xaafadda dagan kuwaas oo waydiinayay inay bixiyaan tabarucaad. Si dhakhso ah ay sheekaddan beertu xiiso u yeelatay. Dadaalkii Ari ee qashin-nadiifintii qarsoonaydna waxay sababtay in xaafadihii jaarku rabaan inay horumariyaan khibradda qoysaska, carruurta, iyo dadka beerta soo booqanayaa ay la kulmayaan.
Waxaasoo dhami waxay ka bilaabmeen hal weel oo qashin-qub ah.